Gudiga Dastuur qoraalka ee Maamul Goboleedka KG soomaaliya oo soo Diyaariyey 114 qodob.

0
221

Baydhaba Janaay( Idale News Online)-Magaalada Baydhabo  ee xarunta Gobolka Bay waxa si habsami leh ugu soconaya howlaha iyo dadaala ee dhismahada dowlada koonfur galbeed ee soomaaaliya.

Gudiyooyinka   kala gedisanaa ee lagu dhawaaqey dhawaan ayaa qaarkood waxay bilaabeen shaqo wanagsan. gudiga dastuur qoraalka  ee Dowlad Goboleedka KG soomaaliya oo hogaamiya Aqoonyahan Dr. Maxamed cali xamud ayaa soo dhameystirey dastuurka, shuruucda iyo xeerarka uu yeelan doono maamulgoboleedka KG soomaaliya.

Dastuurkani waxaa loo bandhigi doonaa ergada ka qiib galeysa ama ku howlan dhisida maamulka ,kuwaasoo  ka doodi doona,qodobadda  iyo ceebaha ku jiro dastuurka , isla markaana ay meel marindoonaan.

Sidoo kale gudiga arimaha bulshada oo Hogaamiso Marwo Raabo sheekh ayaa isna soo diyaariyey qorsho howleed dhameystiran iyo isku dabaridka howlaha ku aadan dhameystirka KG soomaaliya.

Dhan kale bulsha Weynta KG soomaaliy ayaa gudoomiyaha gobolka Bay Mudane Cabdi Aadm Hoosow ugu baaqey in ay  taagyeeraan, hormarka iyo geeda  socdka nabadda la doonayo inay ka xana qaado 6da Gobol ee KG soomaliy dhawaan. isla markaa waxa uu tilmaamey ama ka codsadey in ay  ka soo hormuuqadaan TV-da  soomaalida.

South-Western-State-Flag

Idale News Online, Xafiiska Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Baydhaba.