Wiil yar oo Soomaali ah oo shan sano jir ah oo uu ku dhacay xanuun aan la aqoon (Daawo Sawirada).

0
238

Ceel-Cade(Idale News Online)-Aadan Cabdi Xuseen waa wiil yar oo shan sano jir ah, waxaana asiibay cudur aan la aqoon oo ay waalidiintii sheegeen in uu ku dhashay.

Aadan Cabdi Xuseen wuxuu la nool yahay labadiisa waalid, oo ku dhaqan Deegaanka Ceel Cadde oo qiyaastii 60km u jirta Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Hooyo Faadumo C/raxmaan Cabdi oo ah hooyada dhashay wiilka yar ee xanuunsanaaya, ayaa waxay dadka Soomaaliyeed ka codsatay in ay soo gargaaraan.

Sidoo kale Hay’adaha Qaramada Midoobe ee qaabilsan gargaarka billi’aadanimo, ayay sidoo kale ka codsatay in ay gacan u fidiyaan, si wax looga qabto xaalada caafimaadeed ee wiilkeeda yar.

Aabaha dhalay wiilka oo lagu magacaabo Cabdi Xuseen, ayaa si naxariis leh dadka Somaliyeed kuwooda uu Alle wax siiyay, ka codsaday in ay gargaar u fidiyaan wiilkiisa xanuunka la liita.

Fadlan Kala xiriir labada waalid ee dhalay wiilka xanuunsanaaya teleefanada kala ah 061-8987099 ama 061-5771541.

adan

adan1

acx13acx14