GEDO(Idalenews online)-Godoomiyaha gobolka Gedo ee koonfur galbeed soomaaliya, ayaa shaaca ka qaadey in aaney gobolka gedo shuqul ku lahayn maamulka jubba ee ka taliya magaalada kismaayo ee xarunta gobolka jubbada hoose.
Maxamed Cabdi kaliil oo u waramayey Radio Wadajir Atlanta ayaa sheegay in ayan marnaba wax xariir ah ayan la yeelan doonin Maamul Goboleedka Jubba isagoo dhinaca kalena si kulul u cambaareeyey Shirweyne la doonayo in lagu qabto magaalada Dolow ee Gobolka Gedeo,kaasi oo la doonayo Odoyaasha iyo waxgaradka Beesha Sade in ay kaga wada hadlaan aayahooda,waxuuna shirkaasi abaabaulkiisa uu ku eedeeyey xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan Dowlada oo sida uu sheegay doonaya Gobolka in ay ka abuuraan Qas iyo dhibaato.
ugu dambeyntii aritani aya imaaneysaa xilli ergooyinka ka socod gobolka gedo ay joogaan shirka maamul u sameynta koonfur galbeed ee soomaaliya, ma cad sida u taagyeersan yahay shirka baydhaba janaay ama in kale.
Idale News Online, Gedo