Garowe:Madaxweyne Gaas oo sheegey inuu si dhow ula shaqeynayo DF soomaaliya.

0
188

Madaxweynaha cusub ee Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali (Gaas) oo Arbacadii ku guuleystay doorashada Madaxtinimada Puntland shanta sano ee soo socota ayaa sheegay in qorshihiisa yahay sidii uu si dhow ugu shaqeyn lahaa dib u soo laabashada xiriirkii u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo Puntland.

Dr. C/wali Gaas oo horay u soo noqday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da waxaa uu sheegay in khilaafka labada dhinac ay wax uga halaabi karaan.

“Puntland waxbey ku waayi kartaa, dowladda Federaalka sidoo kale hadii uu sii socdo khilaafka, waxaa qorshaheyga ah inaan si dhow uga shaqeeyo sidii xiriirka labada dhinac u soo laaban lahaa”ayuu yiri Dr. C/wali Gaas.

Madaxweyaha cusub ee Puntland oo sii hadlayay ayaa yiri “Intii aan imaan xataa xiriirka waa xumaa waagii Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Faroole, markii aan Ra’iisul wasaare noqday ayaa ka shaqeeyay, waxaa dhacday in la isu yimaado Garowe labo shir lagu qabto iyo shirkii Galkacyo, waana muhiim, wax wanaagsan ayay ahaayeen waana ku dadaali doonaa”.

Mar la weydiiyay arrimaha Federaalka ayuu sheegay in dowladda Federaalka ay wax walba u sahalnaan doonto hadii la dhiso dowlad goboleedyada iyo maamulada kale, isagoo xusay in dadaal weyn uu gelin doono sidii arrimaha Federaalka u xoogeysan lahaa.

“Federaalka xoog ayaa saari doonaa, maamulada dhismaya waa taageereynaa sida Jubaland oo kale, shirka Baydhabo ka socda in maamul lagu dhiso iyo Gobolada dhexe, markii ay taas suura gasha dowladda Federaalka wax walba ayaa u sahlanaan doonta”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole ayaa horay xiriirka ugu jaray dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib markii uu ku eedeeyay inay wax ka bedeshay Dastuurka.

Dadka odorasa siyaasada ayaa sheegaya inay dhici karto inuu dib u soo laabto xiriirkii u dhaxeeyay Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya, kadib markii la doortay C/wali Maxamed Cali Gaas.

gaas

Idale News Online,Garawe.