Dowlada Somaliland oo Digniin Culus u dirtay.

0
174

Hargeysa:Wasiirka Madaxtooyada Dowlada Somaliland oo u warramayay qaar ka mid ah warbaahinta waxa uu sheegay inuu guud ahaan dalka Soomaaliya u rajaynayaan ammaan iyo barwaaqo waxaanu yiri “Puntland waa qayb ka mid ah Soomaaliya, waxaana madaxweynaha la doortay u rejeynaynaa badhaadhe iyo bash-bash, Soomaaliya oo dhanna badhaadhe ayaan u rajeynaynaa.”

somaliland
Wasiir Xirsi waxa uu sheegay in aanay cidna ka ogolaanaynin inay ku gorgortanto dhulka  Xuduudaha  ee Somaliland, waxaanu yiri “ Waxaana leennahay aan nabad ku wada noolaanno, kamana xumin cidii guuleysatay hambalyo ayaanu u diraynaa. Cidna ka ogolaan maynno inay ku gor-gortanto dhulka Somaliland xuduudihiisuna la yaqaanno,”

“Maalmo dhaweyd waxaan maqlayay in raga u tartamaya doorashada ay ku ololeynayeen inay ku wajahan yihiin deegaamada Somaliland sida degmada Laascaanood, taasna waan ka digayaa,”ayuu yiri Wasiirka Madaxtooyaddu.

 

Idale News Online