Muqdisho: Banaanbaxani oo ay ka soo qeyb galeen Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir , Guddoomiyaasha qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho ayaa ahaa mid lagu taageerayay Mashaariicda Horumarineed ee turkigu ka sameeyeen Muqdisho.
Dibad baxaan oo ka dhacay Xarunta Beerta Nabadda ee Degmada Waaberi ayaa waxaa ka hadlay Masuuliyiin dhowr ah oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Max’ud Axmed Nuur Tarsan.
“ Walaalaheenna Turkiga waa ay ku Mahadsan yihiin Shaqada ay ka qabteen Caasimadeena, shacabkeenuna waa in ay la shaqeeyaan walaalaha Turkiga” sidaasi waxaa Yiri Duqa Muqdisho Tarsan.
sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay jiraan Hay’ado Caalami ah oo ka howl gala dalka gaar ahaan Muqdisho laakiin aan waxba u qaban Bulshada Soomaaliyeed.
ugu dambeyntii dowlada turkiga ayaa soomaaliya ka wadaa howlo isugu jiro hormarin iyo gargaarka dadka tabaaleysan ee ku nool hoyga wadanka soomaaliya, tan iyo markii ay dhaceydey abaartii 2011-kii.
Idale News Online,Muqdisho.