Xaalad Caafimaad-daro iyo mid bini’aadanimo oo Aad u Liidata ayaa Laga Soo Sheegaya Degmada Ceel-barde.

0
184

Ceel-Berde:Xaalado caafimaad-darro ayaa laga soo sheegayaa degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool.

Madaxa  howlwadeennada waaxda caafimaadka maamulka gobolka u qaabilsan Ceelbarde Dr. Maxamed Cali Faahiye  ayaa sheegay inay aad u hooseyso howlaha caafimaad ee degmada.

Wuxuu sheegay inay jiraan dad farabadan oo u dhintay xanuunno kala duwan oo deegaanka lagu arkay.

Dr. Maxamed ayaa tilmaamay in cudurrada ku dhaca Neef-mareenka, kaadib-mareenka, cudurrada qaaxada, cagaar-showga iyo mallaariyada ay la iil-daran yihiin dad badan oo deegaanka ku nool.

Wuxuu sheegay in haddii aan si dhaqse leh loo helin kaalmo caafimaad ay xaaladda noqon karto mid halis ah.

Gobolka Bakool l oo dhac koonfur galbeed soomaaliya ayaa intiisa badan waxa gacanta ku haysa kooxda islaamiga ah ee soomaalida Al-Shabab , taasoo  dagaal xoogan kula jirto DF soomaaliya iyo ciidamada howlgalada midowga Afrika ee AMISOM.

uga dambeyntii qayla dhaantan ayaa imaneysaa xilli mudooyinkii dambe laga soo  sheegayey in degmada ceel-berde ka jirto xaalad bini’aadanimo iyo xaalad caafmiaad daro.bakool

 

Idale News Online, Bakool, Somalia.