Wararkii Ugu Danbeeyay Magacabista Wasiirada cusub ee DF soomaaliya.

0
206

Muqdisho: R/wasaaraha Somalia C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa lagu wadaa in maanta gelinka dambe ama ugu dambeyn beri  inuu ku dhawaaqo golahiisa wasiirada.

Tirada wasiirada cusub ayaa noqon doona 25, waxana ay ubadnaan doonaan sida la tilmaamayo wejiyo cusub oo waxaa ku yaraan doona kuwii la soo shaqeeyay Saacid.

Laba ama saddex ka mid ah xukumadii kalsooniga lagala laabtay  ayaa la filayaa inay ka soo muuqan doonaan wasiiradan cusub walow   R/wasaaraha uu shuruud  adag duldhigay dadka uxusul doobaya inay noqdaan wasiir taasoo ah in beelahooda ay ka soo dhameystaan oo ay ka soo helaan oggolaansho

Siyaasiyinta doonaysa inay qabtaan Wasiirada cusub ayaa ku dhex mashquulsan beelaha y kasoo jeedaan, iyagoo ka dhaadhicinaya fekerka ay ku doonayaan  inay Wasiir ka  noqdaan Xukuumadda cusub.

Xildhibaan Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko) oo ka tirsanaa Baarlamankii KMG ahaa ayaa ka hadlay dhismaha Xukuumadda Cusub ee la filayo dhawaan inuu soo magacaabo Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed & Arimaha Ka Socda Xafiiska Rasal Wasaaraha.

Gudoonka Baarlamaanka ayaa ka codsaday Ra’iisul Wasaaraha in Golihiisa Wasiirada uu horkeeno ka hor 10-ka bishan, waxaana laga yaabaa in todobaadkan gudihiisa la hor-geeyo Baarlamaanka marka lagu dhawaaqo maalin ama labo maalmood kadib sida qorshuhu yahay, hadii aanay waxba is bedelin.

cabdi-wali

Idale News Online, Muqdishu