Waxaa maanta si nabad iyo habsami leh u qabsoontey doorashadii shir-guddoonka Baarlamaanka Puntland, Doorasho dheer oo qaarkeed gartey saddex wareeg ayaa lagu kala baxey, waxaana tartanka u adag uu dhexmarey Xildhibanadii isu soo sharaxey xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.
Iyada oo musharixiinta xilka Guddoomiyaha Baarlamaanku aysan helin waqti ku filan oo ay ol-ole ku sameeyaan, ayaa habeenkii xalay laga dareemaayey magaalada Garoowe in aan siyaasiyiintu seexan oo waagu ugu baryey soo jeed, Hoteelada iyo aqalada ay degan yihiin Xildhibanadu ayaa ahaa ku mashquul ah, waxaana socodka iyo xawaaraha ugu badan ka imaanayey guriga buurta ku yaala ee uu degan yahay Madaxweynaha xilka ka degaaya Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.
Xildhibaan Cabdixakiin Xaaji Maxamuud
Madaxtooyada Garoowe ayaa wadety mid ka mid ah Musharixiinta iyaga oo ol-ole aan qarsooneyn u samaynaayey, isla markaana culeys saarayey musharixiinta kale qaarkood. Musharaxa Madaxtooyada laga taageerayey ayaa ahaa Xildhibaan Cabdixakiin Xaaji Maxamuud (Dhooba Daared) oo ka mid aha musharixiintii u gudbey wareega labaad.
Musharaxa guushu raacdey ee Siciid Xasan Shire oo horey u ahaa wasiir ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Faroole ayaa saacadiihii u danbeeyey ka hor doorashada cadaadis xoogleh kala kulmaayey Madaxtooyada Garowe, waxaana laga codsadey in uu ka tanaasulo xilkaas isla markaana Boorsooyinka Madaxtooyada u furayaan. Siciid Xasan ayaa diidey in uu ka tanaasulo tartanka isaga oo ka dalbadey in Boorsooyinkooda ay iska xirtaan.
Kadib markii uu wareegii labaad ku harey Cabdixakiin Xaaji Maxamuud ayaa laga dareemaayey wejiyada shaqaalaha ka yimid Madaxtooyada oo qaarkood kuraastii ay fadhiyeen dabada ka jaftey isagana huleelay.
Inkasta oo doorashada Guddoomiyaha aysan wax badan ka beddelin kan Madaxweynaha ayaa dadku sheegayaan in maanta ay soo baxdey awoodda Madaxweynaha xilka ka degaaya uu ku yeelan karo baarlamaanka taas oo ah mid ka hooseysa 16 Xildhibaan.
Doorashada Madaxweynaha Puntland ayaa dhici doonta maalinta Arbacada ah ee 8 Janaayo 2014, waxaa lagu wadaa in ay ku herdamaan musharixiin gaaraya 10, maadaama la gaarey xilligii isu tanaasulka iyo is-gaashaanbuursiga. Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in Golaha Wakiilada iyo Guddiga kumeelgaarka ah ee doorashadu ay ku dhawaaqaan shuruudaha lagu xiraayo Musharaxa madaxweynaha, waxaana ay u badan tahay in shuruuddu noqoto waxa dastuurku ka doonayo sifo ahaan iyo lacag dhan 5 000USD ama ka badan