Qabow iyo baraf aad u daran oo ku dhuftay gobollo badan oo Mareykanka iyo dalka Canada ah

0
256

Magaalooyin waaweyn oo dalka Mareykanka ku yaala ayaa hawadu aad u xumaatay labadii cisho ee ugu dambeeyey ka dib markii baraf xoogan oo meelaha qaarkood dhulka ka sareeya 60cm uu ku hoorey guud ahaan dalka Maraykanka.  Magaalada New York oo malaayiin qof degan tahay waxa galabta shacabka lagu wargaliyey iney iska ilaashaan iney baabuurta kaxaytaan aysana banaanka u soo bixin hadii aysan daruuri ahayn.

gobolka Philadelphia ayaa Nin darawal ah oo u shaqaynayay degmada wuxuu ku dhintey ka dib markii uu kusoo rogmadey gaari cusbo wadada ku daadinaya.

Gobolka New York haweeyney waayeel ah oo socod gaaban gashey ayaa qabow u dhimatay ka dib markii ay ilowdey iney jaakat xirato.

qabowBarafNA

Gobolka Minnesota Nin qamri soo cabey kuna sii jeedey xaafadiisa ayaa qabow la socon waaye ka dib wada laga qaadey, isagoo loola cararey Isbitaalka weyn ee magaalada Minneapolis, isagoo gabi ahaantiisa baraf oo kale kagey.

Shilal baabuur oo barafku sababay ayaa New York iyo Boston waxaa ku dhintey 7 Qof.

Dhamaan waxaa galabta la xirey Skuulada Gobolk New York waxa sidaas ambey Maayarka magaalada, waxaana wadooyinka ka shaqaynaya kumayaal Baabuur oo ah ku Cusbada wadada ku daadiya, Garoonka Diyaaradaha JFK ayaa gabi ahaan la xirey,

Canada ayaa iyana qaybo ka mid ah Barafku fara kulul ku haayaa.

Idale News North America.