madaxweynihii hore ee Soomaliya Shariif Sheekh Axmed oo muddo kadib warbaahinta kula hadlay magaalada Kampala ee dalka Uganda, ayaa ka hadlay arimo dhowr ah oo ka taagan dalka Soomaaliya.
Shariif Sheekh Axmed ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu horeyn ugu hambalyeeyay sanadka cusub, isaga oo sheegay inuu rajeynayo in waxyaabo badan Soomaaliya ay uqabsoomaan sanadkaan.
Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay dagaal beeleedyada muddooyinkaan dambe kasoo cusboonaaday Gobalada dalka Soomaaliya, isaga oo wax aad looga xumaado ku tilmaamay inay weli taagan yihiin dhaqamo waqti hore laga soo gudbay.
Wuxuu ayaan daro ku tilmaamay dagaal beeleedyada soo noq-noqda ee Gobalada dalka Soomaaliya ku dhexmara Beelaha walaalaha ah ee Gobaladaasi wada daga.
Dadka ku howlan sida uu yiri iskudirada dadka walaalaha Soomaaliyeed inay haboon tahay inay ka waantoobaan arintaasi, islamarkaana ay ka shaqeeyaan danta umadda Soomaaliyeed.
Shariif Sheekh Axmed ayaa ku tilmaamay ayaandaro in weli tuulooyin dagaal beeleed awgeed loo gubayo oo caruur iyo ilmo aan waxba galabsan lagu dhibaateynayo sida uu yiri.
Gobalada dalka Soomaaliya ayaa sanadkii tagay dhamaadkiisa waxaa ka dhacaye dagaal beeleedyo khasaaro badan geystay oo Dowladda Soomaaliya ay ku baxday markii dambe, kadibna lagu guuleystay xalintooda waloow meelaha qaar aan weli lagu guuleysan
Idale News Online, Kampala, Uganda.