Mid ka mid ah madaxweyneyaasha Maamul Khaatumo oo Maamulka Puntland heshiis la galey

0
201

Madaxweynaha Puntland C/Raxmaan Sheikh Maxamed Maxamuud Faroole  ayaa gacmo furan kusoo dhaweeyay Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ka mid ah madaxda wareegtada ee hogaamisa maamulka Khaatuma islamarkaana dhawaan hishiis la galay Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo hadalka kooban ka jeediyay xarunta madaxtooyada ee Garowe oo ay kusoo dhaweeyeen Axmed Karaash iyo waftigiisa ayaa wuxuu sheegay midnimada Puntland inay tahay mid lama taabtaan ah ayna soo dhaweeyeen dib usoo laabashada Karaash iyo kuwo ka dambeeya oo uu tilmaamay inayrajeynayaan dhawaan inay yimaadaan Garowe.

Mudane Faroole wuxuu sheegay inuu dhawaan Garowe kusoo wajahan yahay Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ah Isimada waa weyn ee gobolada Sool iyo Cayn  islamarkaana qalinka ku duugay inta badan xildhibaanada lagaso xulay gobolada Sool iyo Cayn.

“Axmed Karaash wuxuu furay ama jabiyay albaabkii kusoo noqashada Puntland, Waana rajeynaynaa kuwo sidaas oo kale ah inay noosoo laabtaan. “ Waxaan halkaan cid walba uga sheegaynaa inay midnimada Puntland tahay muqadash islamarkaana aan lagu kala tagi karin waxyar oo dhaca ayuu yiri madaxweyne Faroole”

Axmed Karaash oo isuguna hadlay ayaa sheegay dadka reer Puntland inaysan kala maarmaamin , midnamadoodana wax u dhimayn qilaafkasta oo soo kala dhexgala. Wuxuuna sheegay inuu Garowe u yimid dhamesytirka hishiish u dhexeeyay iyaga(Khaatuma)  iyo Puntland.

KarashKhatumo

”Waxaanu ogaanay maah maah baa oran jirtay Sagaaro labu tunoo la kala qalo ma leh,marka inaan la qaybsami karin baan ogaanay,haddana waxaan u nimi inaan wadahadaladii noo socday aanu dhamaystirno oo ahaa midnimo iyo wax wada qabsi”.

Siyaasi Axmed Karaash ayaa laga yaabaa inuu maalmaha soo socdo iskusoo taago jagada madaxweyne ku xigeenka Puntland.