[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2014/01/XasanPuntland2014.mp3|autostart=yes]
Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa baaq u diray dadka reer Puntland, waxuuna ugu baaqey in ay doortaan hoggaan isu soo dhaweyn kara dadka reer Puntland iyo dowlada dhexe ee Soomaaliya. Waxa uu madaxweynuhu khudbadiisa sidoo kale ku sheegay inuu cid kastaa oo doorashada Puntland ku soo baxda ay iyagu dowlad ahaan soo dhoweynayaan laakiin shacabka Puntland looga baahan yahay in ay ku qasbaan madaxdooda in dowlada ay la shaqeeyaan ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh oo munaasabada sanadka cusub u waramaayey warfidiyeenada gudaha dalka iyo dibadiisa.
Idale News Online, Mogadishu