Dhageyso: Tarzan iyo gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir waxa kala qabsadey markii uu Xasan Daahir soo hadal qaadey

0
206


Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan) oo magaalada Muqdisho ugu khudbeynaya gudoomiyaasha degmooyinka iyo dadweeyne ayaa buuq iyo qeylo xoogan la kulmay ka dib markii uu soo hadal qaaday Xasan Daahir Aweys oo uusan si toos ah magaciisa u xusin balse ku maldahay oo yiri “Odaygii asagoo kasoo cararay Axmed Godane ayuu soo magan galay Muqdisho”.

Tarzan oo khudbadiisa ay ku soctay in hogaamiyayaasha Alshabaab sida Axmed Godane iyo Ibraahim Afganistaan iyo Xasan Sheekh ayuu sheegey in ay is dileen waa siduu hadalka u dhigaye sidoo kalena waxuu  afka ku balaariyay in Odaygii isagoo ordaya uu halkana soo galay oo uu ula jeeday Muqdisho, waxaana hadalkasi ay ka careysiisay dadka goobta joogay oo sawaxan iyo qeylo u bedelay goobtii uu shirka ka socda oo ugu dambeyntii lagu kala tagey, iyadoo dadka goobta joogey ay ka muuqatay qabyaalad  ay ku taageerayaan Xasan Dahaair Aweys, taas oo keentay in ay qeylo iyo sawaxan kala horyimaadan, isla markaana kusoo xoomaan oo ceyrsadaan, hase yeeshee wuxuu doobalka ka qaaday kadib markuu naftiisa la baqay in dadka Muqdisho jooga ay qabyaalad qalbigoodu ka buuxdo, ayuu hadalkii bedelay oo sidaan u dhagey Odayga waxaan ula jeeday Godane, taasina oo ka keentay cabsi in meeshu la isku fara saaro.
tarsan