ayadoo Shalay Wafdi ka socda Dowladda Shiinaha ay soo gaareen magaalad muqdisho , isla markaana Kulan ay la qaateen Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Ammaanka Qaranka Xukuumaddaiyo madax sar sare ee Soomaaliya aya waxa ay ka dalbadeen Wafdigaasi dowladdu in ay dar dar geliso Howlaha Xaqiijinta Ammaanka ku aadan.
Kulankooda kadib oo Saxaafaddu uu la hadlay Ku Qunsulka u fadhiya Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Soomaaliya ay yara soo hagaageyso 22 sano ka hor dhibaatadii ka dhacday dalka, ka dib dgaalo ragaadiyey dalka oo dhan.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu qunsulku waxa uu Carabka ku adkeeyay In dowladda Soomaaliya ay la garab taagan yihiin sara u qaadista iyo Horumarinta Ammaanka Dalka.
Dowladda Soomaaliya ayaa iyaduna dadaal xoog leh ugu jirtay baadi goobka taageerada Beesha Caalamka si loo soo celiyo wada shaqeynta Dowladda Soomaaliya ay lalaheyd Caalamka intiisa kale.
Dowladaha caalamka ayaa hada u soo jeestey wax uqabashada dadka soomaaliyeed iyo dib u dhiska dalka, ayadoo hormuud ka tahay dowlada turkiga taasoo dadk soomaaliya si weyn u la dhacsan yihiin howlaha gargaarka iyo samatabixinta umadda soomaaliyeed ka wadaa gudah dalka.
Ugu dambeyntii DF soomaaliya oo hada hogaamiya Mudane xasan sheekh maxamuud ayaa soo hooyisey guulo la taaban karo oo ku adaan dhan taagyeerada caalamka.
Idale News Online, Muqdisho.