Wararka ka imaanaya dalka Ciraaq ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ee dalkaasi ay xereen xildhibaan ka tirsan baarlamaanka kadib markii uu dilay walaalkii iyo ku dhawaad seddex kamid ah ilaaladiisa.
Arinta ayaa ka dambeysay kadib markii weerar uu ka dhacay gurigiisa oo ku yaala magaalada Ramadi ee dalka Ciraaq, sida ay sheegeen saraakiisha dhanka amaanka ee dalkaasi Ciraaq.
Axmed Al-Awlani, oo xubin ka ahaa bulshada Suniyiinta, ayaa ku eedeysnaa dambiyo argagixiso, waxaana uu sidoo kale taageero ama gadaal ka riixayay banaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo xukuumada Nuuri Al Maaliki.
Booliska dalkaasi ayaa sheegay in Mr Awlani ilaaladiisa ay fureen rasaas, markii saraakiil ay gaareen gurigiisa si ay usoo qabtaan.
Ku dhawaad 18 ruux ayaana la sheegayaa inay ku dhaawacmeen rasaasta la isku weydaarsaday gurigiisa.
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in xildhibaanka gabar la dhalatay ay kamid tahay dadka ku geeriyooday weerarka.
“Ciidamo Hubeysan oo ay la socdaan saraakiil booliska ka tirsan, ayaa isku dayay inays oo xeraan Al Awlani isagoo ku sugnaa gurigiisa, shan ruux oo haweenay ay ku jirto ayaa loo qaaday isbitaalka Faluuja” sarkaal booliska ka tirsan ayaa sidaasi Reuters u sheegay.
Idale News Online, Wararka Caalamka.