Dhageyso: Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed oo ka hadlay barnaamijka xukuumadiisa ee mustaqbaka dhow

0
223
[audio:http://kismaayo24.net/wp-content/uploads/2013/12/Raiisul-Wasaare-Abdiwelli-Sheikh-Ahmed.mp3|autostart=yes]

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Dr CAbdiwali Sheekh Ahmed oo maanta khudbad ka jedinayay munaasabad uu xilka kala wareegayay Ra’iisul Wasaarihii hore Saacid Faarax Garaad ayaa waxaa uu ka sheegay Xukuumadda uu soo dhisi doono wax badan inay ka qaban doonto howlaha Dalka sida Amniga, Waxbarashada, Caafimaad, iyo Garsoorka.

xilwareegin2

Wuxuu si gaar ah ugu Mahad celiyay Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Fursada uu usiiyay dalka inuu ka noqdo Ra’iisul Wasaare isagoona xusay mudo ka badan 30 sano oo dalka ka maqnaa inuu dib ugu soo laabta isla markaana uu gacan ka gaysan doono samatabixinta dalka.

Sidoo kale wuxuu u Mahad celiyay Ra’iisul Wasaarihii hore Saacid Faarax Garaad oo uu sheegay inuu gacan ka siiyay sidii uu Xafiiska ugu shaqayn lahaa, isagoona xusay dhawaan inuu soo dhisi doono gole Wasiiro oo dalka wax ka qabta xaaladihiisa

xilwareejin

Idale News Online, Mogadishu, Somalia.