Afhayeenka Barlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari ayaa la filaayaa in dhowaan u ambabaxo dalka Koonfur Afrika si uu uga qeybgalo aaska Madaxweyihii hore ee geeriyooday ee dalka South Afrka, Nelson Mandala.
Safarka Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya ayaa yimid ka dib markii madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo isaga ka mid ahaa madaxdii dunida ee munaasabadaasi lagu casumay uu ka baaqsadey howlo shaqo oo dalka gudahiisa ka jira awgeed.
Madaxweynaha ayaa aad ugu mashquulsan xulashada shaqsiga ugu haboon ee xilka wasiirka kowaad, iyadoo maalmihii ugu dambeysayna uu xog wareysi la yeelanaayey tiro musharaxiin ah oo kor u dhaafeysa ilaa 15 qof oo dhamaantood codsadey qabashada xilii uu baneeyey ra’iisul wasaarihii hore Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Wafuuda caalamiga ah ee ka qeyb galaya aaska Nelson Mandela ayaa la sheegay inay kor u dhaafayaan 100 wafdi oo caalami ah, waxaana kamid ah hogaamiyayaasha wadamada imaanaya kuwa reer Galbeedka oo uu ku yiro Madaxweynaha Maraykanka, waxaa sidoo kale la filayaa inay tagaan hogaamiyayaasha Brazil, China, India iyo wadamo badan oo Afrikaan ah.
Nelson Mandela ayaa lagu wadaa in la aaso maalinimada Axada ah, iyadoo sadexda maalmood ee soo socota meydkiisa la dhigi doono madaxtooyada Pretoria halkaasi oo dadka loo ogolaan doono inay arkaan
Sidoo kale, Gudoomiyaha Barlamaanka iyo wafdigiisa ayaa muddo kooban joogi doona dalka Koonfur Afrika, hase ahaatee waxay isaga iyo wafdigiisa qorsheynayaan kulamo ay la yeeshaan jaaliyada iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaasi ku dhaqan, si ay ugu kuurgalaan xaaladooda amni iyo in dowlada dalkaasi ugu baaqaan in la ilaaliyo xaquuqda iyo nolosha dadka Soomaaliyeed ee dhibaatada loogu gaysto dalka South Afirka.
Idale News Online