Daawo: Gudoomiyaha G/Banaadir Tarsan oo cadaadis badan ka dib bedelay go’aankii la wareegista guryaha burbursan ee faras magaalada Muqdisho

0
200

Idale News ONline “INO”, December 08, 2013: Duqa magaalada Muqdisho Tarsan ayaa si kale u dhigay go’aan ka soo baxay maamulka gobolka Banaadir, kaasoo faraayey milkiilayaasha xaafado ku yaala degmada Shengaani iyo Xamar weyne inay ay dhistaan haddii kale maamulkooda la wareegaayo.
Tarzan ayaa si aad ah uga qeyliyey sawir gacmeed uu sameeyey Wargeyska aan hadlin ee Amin Arts oo uu ku muujinaayey in si gaar ah Maamulka Gobolka Banaadir u bartilmaameedsanaayo dad gaar ah
Daawo Wareegtadii hore iyo wareysigii Tarsan uu bixiyey ka dib markii shabakada, idaacada iyo weliba farshaxanka Amiin Arts ay cabireen go’aanka Maamulka ku gaarey inuu dadkaas guryaha laga wareegi dooni haddii aysan dhisan

tarsan
Idale News Online