Daawo Barnaamij gaar ah oo ku saabsan Dilkii Xildhibaan Faysal iyo Dadweynaha Soomaaliyeed oo aragtiyo kala duwan ka bixiyey

0
326

Shacabka Soomaaliyeed ayaa si wayn uga hadlay dilkii shalay loogu gaystay meel aan sidaasi uga fogayn xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee magalaada Muqdisho Xildhibaan Warsame Faysal.

Shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in dilkaasi uu ahaa mid bartilmaameedsan oo si wayn loogaga soo shaqeeyay iyadoo loo adeegsaday gaari waxyaabah qarxa laga soo buuxiyay kaasi oo lala beegsaday xildhibaanka xili uu doonayay inuu salaada tukado.

Daawo: Ma laga yaabaa in  marxuum Xildhibaan Faysal uu eedsadey hadalkaan kulul ee doodiisa ugu dambeysay ku duray Madaxweynaha iyo kooxdiisa

C/qaadir Xuseen oo ah sarkaal ka tirsan ciidanka Police ka Soomaaliya ayaa u sheegay Aljazeera inuu xildhibaan Faysal doonayay inuu saladda ku tukado masjid ku yaala dhinaca madaxtooyada Muqdisho isla markaasina ku yaala aaga ay ku xoogan yihiin ciidamada dowladda kaasi oo gaarigiisa qaraxa lala beegsaday.

Qaraxaasi ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay madaxda ugu saraysa dlaka Soomaaliya iyadoo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Raisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ay tacsi u direen shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday xildhibaankaasi, golaha Shabka iyo guudahaan qayskiisa.

Weerarkii lagu qaarijiyay Xildhibaan Faysal ayaa sidoo kale waxaa la xaqiijiyay inay dad kale oo ay Askari kamid tahay ku dhinteen sida Aljazeera ay ka soo xigatay saraakiil  Police ka ka tirsan.
qaraxXildhFaysal