Madaxweyne Xasan Sheekh oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowlada Nigeria

0
263

Nigeria

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Villa Somaaliya ku qaabilay  Safiirka Dowladda  Nigeria  Mudane Akin Oyateru.

Waxaa kunalkaasi goob joog ka ahaa R/Ku Xigeenka ahna Wasiirka arrimaha dibadda Marwo Fawsiya Yuusuf Xaaji a,Wasiir A.F.Okoh iyo Saraakiil sare oo booliska Najeeriya ka tirsan waxeyna muujiyeen in ay Nijeeriya ka go’antahay taageeridda dowladda Soomaaliya. Waxaa la ogyahay in kooxaha argagaxisadda ee  Al-Shabaab iyo Boka Haram in uu xiriir ka dhaxeeyo .

Dowladda Nigeria ayaa waxaa ay qeyb ka ahaayeen ciidamadii UNISOM ee sanadkii 1991 ka howl galay Soomaliya Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh  Maxamuud ayaa wuxuu yiri “ Soomaaliya waxey ku soo jirtay dagaal muddo dheer soo socday oo la dagey dhammaan hay’adaha dowladda oo hadda aan dib-u-dhis ku wadno. Dowladda Nigeria waxey hadda qeyb ka tahay Ciidamadda booliska AMISOM. Safiirka Nijeeriya ayaa wuxuu Madaxweynaha u gudbiyay warqad uu ka siday Madaxweynaha Nijeeriya  Mudane Goodluck Jonathan taas oo lagu casuumay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya in uu booqasho rasmi ah ku tago dalka Nijeeriya.

jg ng Nigeria hd