Jeneraal Ufurow oo loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed

0
250

Taliyihii Ciidamada Badda Soomaaliya Admiral Faarax Qarre  oo dhawaan xil ka qaadis lagu sameeyay,  ayaa waxaa xilkiisa loo magacaabey Jeneraal Ibraahim Ufuroow oo ka soo jeedo Beelaha Digil iyo Mirifle (Luwaay)  waxaa magacaabistani ay ku soo beegmaysaa  is bedelo horay loogu sameeyay Hogaanada ciidamada qalabka sida.

Jeneraal Ufurow oo ka mid ahaa qurbo joogta dalka Ingiriiska degan, ayaa horay uga mid ahaa Ciidamadii Milateriga Soomaaliya qeybta Madaafiicda Goobta. waxaa beryihii dambe uu la shaqeynaayey Madaxtooyada.

somaliMarines

Taliyihii hore ee ciidanka Admiral Faarax Qarre ayaa isagu xilka taliyaha ciidanka badda haayey tan iyo sanadkii 2009 ahaa isagoo lagu tiriyo dadka aqoonta u leh culuumta Badda iyo sharciyadeeda.

Idale News Online, Mogadishu.