Gudoomiye Cusub oo Loo Magacaabey Bangiga Dhexe ee Soomaaliya

0
184

final-english

Bashiir Ciise oo horay u ahaa Gudoomiyihii Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa mar kale dib xilkaas loogu magacaabay, kadib markii ay is casishay Haweeneydii u horeysay ee xil ka qabata Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Marwo Yusuf Abraar oo muddo 7-isbuuc kaliya xilkaas heysay. Magacaabistan ayaa warar kala duwan ay ka soo baxayeen, iyadoo ninkan uu ahaa rug cadaa horay uga soo shaqeeyay nidaamyadii Maaliyada ee dowladii Kacaanka iyo ka hor.
Bashiir Ciise ayaa ahaa Gudoomiyaha Bankiga Dhexe xilligii dowladihii KMG ee ay Madaxda ka soo noqdeen Marxuum C/llaahi Yuusuf iyo Sheekh Shariif, inkastoo uu is casilay markii ay is qabteen isaga iyo Shariif Xasan oo Wasiirka Maaliyada ka ahaa Xukuumadii Cumar C/rashiid. Waxyaabaha ay isku qabteen ayaa waxaa ka mid ahaa lacagihii Shiling Soomaaliga ee lagu soo daabacayay dalka Sudan, isagoo ku taliyay in aanay habooneyn in lacag la soo daabaco, isla markaana dowladda aysan heysan awood ay ku socodsiiso, ayna keeni karto sicir barar ka dhasha.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu jiro qorshe la doonayo in kulanka Golaha Wasiirada lagu ansixiyo, inkastoo uu jiro khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, maadaama Madaxtooyada ay magacawday. Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Maxamuud Xasan Suleymaan oo ka warbixinayay kulan dhex maray Madaxweynaha iyo Deeq bixiyeyaasha ayaa sheegay in waxyaabaha laga wada hadlay ay ka mid aheyd arrinta Bankiga Dhexe iyo in Gudoomiye KMG ah loo magacaabo.
Bashiir Ciise ayaa ka soo jeeda deegaanada Puntland, waxaana uu xilkan Gudoomiyaha Bankiga Dhexe u sii heynaya si KMG ah, kadib markii muddo bil ah aysan Bankigu laheyn wax Gudoomiye ah.