Lacago fara badan oo Madaxda sare u adeegsanayaan sidii midba midka kale uu uga taqalusi lahaa dooda barlamaanka ee berito…

0
171

Iyadoo maalinta beri oo Axad ah lagu wado in xildhibaanada loo qeybiyo mooshin ay keeneen 168 xildhibaan oo isugu jira kuwa gudaha dalka ku sugan iyo kuwa kale oo dalkaba joogin ayaa waxaa magaalada Muqdisho si howli ah uga socda balanqaadyo iyo bixinta lacago faro badan oo ay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faaarax Shirdoon Saacid iyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ku raadinayaan kalsoonida inta badan xubnaha Barlamaanka Somalia oo ayagu leh  go’aanka ugu dambeeya ee  lagu gaaraayo khilaafka hareeyay masuuliyiinta sare ee Soomaaliya.

Lacago lagu qiyaasay Malaayin doolar ayaa dhinacyadu u adeegsanayaan  sidii midba midka kale uu uga taqaluusi lahaa  waxaana lacagaahasi la qarash garaynaayo ay iskugu jiraan kuwa Dowlado dano ka leh Somalia ay ku bixinayaan iyo  kuwa laga soo aruuriyay Shacabka Soomaaliyeed  si qaldanna loo adegsanayo.

qatar-Ethiopia

Garabka Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud oo niyadoodu aad u sareeyey maalmihii ugu dambeeyey rajana ka qabo in Ra’iisul Wasaare Saacid meesha ka baxo ayaa hadda muuqda  culeys ka imaanaaya xildhibaanada wareegeysta dhaqaale ka helay dhanka ra’iisul wasaaraha kuwaasoo shaki galiyey in maalinta codbixinta inay isbedel ku yimaado.

Sida ilo xog ogaal ah ay la wadeegeen Idale News Online garabka Ra’iisul wasaare Saacid waxaa hadda   si toos ah ugu soo biiray  labo diblamaasi oo ka socda dowlada Itoobiya kuwaasoo hadda ku sugan  magaalada Muqdisho.

Labada Masuul ee la safan siyaasada R/W Saacid ayaa la sheegayaa in a yihiin  Safiirka  dowlada Itoobiya ay dhawaan u soo magacowday Somalia  iyo waliba u qaybsanaha dhanka Siyaasada Somalia ee Dowlada itobiya Genaraal Gabre waxaana durba labdadaasi masuul oo dalka Itoobiya ka socota bilaabeen la kulanka  xildhibano ay horay u taageersanaa siyaasada madaxweynaha iyagoo  ka dhaadhicinaaya in Raisalwasaare Saacid u sii joogo xafiiska Raisalwasaraha Somalia.

Dowladaha Qadar iyo Itobiya ayaa la rumeysan yahay in ay khilaafka ka dhex aloosan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaarihiisa uga sii dareen ka dib markii ay bilaabeen kulamo ay la kala yeelanaayaan xildhibaanada soomaaliyeed, mana jirto wax waanwaan iyo isu soo dhawaansho ay ka shaqeeyeen tan iyo markii uu khilaafka labada masuul ka dhex curtay.

Idale News  Online