Daawo: Shir Jaraa’id oo Garoowe ku wada qabteen Wakiilka QM Somalia Nicholas Kay iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland Faroole

0
189

Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland ayaa ka wada hadley arrimaha doorashooyinka ee Puntland iyo nabadgelyada, waxaana si dheeraad ah uga wada hadleen duufaantii dhawaan ka dhacdey qaar kamid ah deegaanada Puntland.

Labada dhinac ayaa shir albaabadu u xiran yihiin kadib saxaafadda la hadley waxaana ay sheegeen in ay kawada hadleen isla arrimihii hore ee Doorashooyinka soo socda, Amaanka iyo weliba dufaanta dhawaan ku dhufatey qaar kamid ah xeebaha Bari ee Soomaaliya.
nicholeKayPuntland
Madaxweynaha Puntland ayaa mar kale sheegey in Doorashooyinku ku dhici doonaan si amni ah oo Puntland ay ahaan doonto sidii ay ahaan jirtey, cidna aysan si gaar ah u takoori doonin.


Nick Kay ayaa lagu wadaa in uu joogo Puntland muddo saddex cisho ah, waxaana uu booqan doonaa qaar kamid ah magaalooyinka Puntland isaga oo kulamo la qaadan doono Isimada iyo qaar kamid ah Siyaasiyiinta saamenyta leh, waxaana ay ka da hadli doonaan qorshihii uu horey Garowe ugala hadley Bulshada rayidka ah iyo qaar kamid ah Isimada.

Waxaan weli qabsoomin shir ay ku heshiiyeen Oday dhaqameedyada iyo Ergayga Qaramada Midoobey iyo maamulka Puntland kaas oo lagu turxaan bixinaayo qaloocyo dhashey muddadii sanadka ahayd ee u danbeysey ee Dr.Faroole xafiiska joogey.

Ergayga UNSOM u jooga Soomaaliya ayaa safar ku tegey horantii bishan Nofeember magaalada Gaalkacyo waxaana uu kulamo la qaatey Isimada iyo qaar kamid ah siyaasiyinta Musharixiinta ah.

Musharixiin badan ayaa ku eedaynaya maamulka hadda xafiiska jooga ee uu u horee Cabdiraxm,aan Maxamed Faroole in ay doonayaan in ay shukaanta u qabtaan doorashada isla amrkaana ka dhigtaan sida ay doonayaan taas oo ay sheegeen in ay tahay mid aan soconeyn.

Idale News Online