Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Tarsan oo xalay munaasabad soo dhoweyn iyo casho sharaf u sameeyay xubnaha ergooyinka ee ka qeyb galaya shirka dib u heshiisiinta Jubooyinka ayaa sheegay in Muqdisho la’aanteed aanay wax noqon karin magaalooyinka kale.
Mr Tarsan ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan ergooyinka ka yimid gobolada Jubooyinka, isagoo cod dheer ku sheegay in Muqdisho iyo Kismaayo ay isku xirmeen. taasoo tuhun galisey dadka ku abtirsada 6da gobol ee Koonfur galbeed Soomaaliyeed waxa Beelaha Muqdisho iyo siyaasiyiintooda ay u taageeraan shir dad badan oo ay saaxiibo la ahaayeen ay ku waayeen.
“Muqdisho iyo Kismaayo waa isku xirmeen, Muqdisho la’aanteed ma socon karto, iyadoo aanay heysan Kismaayo, Baydhabo iyo Hargeysa, Gobol wax noqon karana ma jiro iyadoo aan ku xirneyn gobolada kale”ayuu yiri ka sheegay Tarsan xafladii casho sharafta iyo soo dhoweynta uu u sameeyay ergooyinka Jubooyinka ka socda oo uu hogaaminayay Sheekh Axmed Madoobe.
Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed oo xaflada hadal ka jeediyay ayaa ugu baaqay in dadka deegaanka in wixii dhacay iyo gefaf la isku geystay in laga noqdo xalay dhalay sida uu yiri.
Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Sheekh Axmed Madoobe ayaa sheegay inay gogol nabadeed u fidinayaan dadka ku nool gobolada, isagoo xusay in dadka ku nool Bay iyo Bakool ay diyaar u yihiin inay gogol u fidiyaan.
Axmed Madoobe ayaa ku baaqay in la is cafiyo, isagana wixii ka dhacay dhankiisa laga cafiyo, isla markaana uu isaga cafinayo dadkii wax ka sheegay.
Shirka Dib u Heshiisiinta Jubooyinka ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa galay maalintii saddexaad, iyadoo shirkan lagu wado in maanta la soo gaba gabeeyo, lagana soo saaro war murtiyeed.