Waxaa soo baxay Documents-yo sheegaya in horay lacago dhan ilaa Afarta Milyan oo Dollarka Mareykanka ah (40,000,000) u lunsatay Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Yusur Abraar, iyadoo la sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka wlaacsan tahay arrintan.
Dowladda Soomaaliya ayaa bilowday baaritaano la xiriira wararkan sheegaya in Gudoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe oo horay Gudoomiye ka aheyd shirkad lagu magacaabo Warsun International Communications Corp. (WITCC) ka hor inta aanan loo magacaabin xilka gudoomiyaha Bandhiga Dhexe Soomaalya muddo ilaa Seddex bilood.
Document-yada qaarkood oo ay heleen saxaafadda ayaa sheegaya in Yusur sannadkii 2002 la soo taagay maxakamad ku taala Gobolka Verginia ee dalka Mareykanka, kadib markii lagu soo oogay in lacago ay lunsatay shirkad ay magac ka aheyd, laguna xukumay in ay bixiso.
Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay xubno ka tirsan Madaxtooyada ayaa sheegaya inuu socdo baaritaan la xiriirta taariikhda gudoomiiyaha Bankiga Dhexe Marwo Yusur Abraar, kadib markii Dowladda la soo gaarsiiyay Documentiyo ka yimid dalalka deeq bixiyeyaasha, kaasoo sheegaya wax is daba marin la sheegay inay ku kacday sanadkii 2002-dii, xilli ay madax u aheyd shirkad lagu magacaabo WITCC.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka walaacsan yahay documentska ka dhanka ah Gudoomiyaha Bandhiga Dhexe maadaama ku lug lahaanshaha arrinkaasi Mr Yusur uu dhaawici karo sumacada Dowladda Soomaaliya.
Yusur Abraar ayaa mar ay dhowaan wareysi siisay warbaahinta afka dowladda ku hadashay markii ay timid magaalada Muqdisho waxay balan qaaday inay wax weyn ka bedeli doonta maamulka dhaqaalaha Dowladda isla markaana ay ka dagaalami doonto musuq maasuqa kana go’an tahay hormarinta iyo wax ka bedelida Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.
Inkastoo aanay dowladda wali wax go’aan ah gaarin, hadana warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Marwo Yusur ay is casishay, kadib markii Documentiyadan uu ku baahay Xafiisyada dowladda.