Waxaa maanta Maxkamadda lasoo taagay Dhalinyaro ku eedeysnaa dambiyo isugu jiro dil, dhaawac, iyo kufsi ayaa waxaa maanta lagu riday xukuno kala duwan.
Dhalinta ukunada lagu kala riday ayaa waxa ay gaarayeen 20 ruux, iyadoo ugu horeyntii ku xigeenka xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Maxamed Xasan Nuur uu goobta ka aqriyaay dacwadaha dadkaasi loo haysto.
Muddo saacada ah ayaa waxaa socday dhagaysiga eedeymaha loo heysto dadkaasi, waxaana ugu dambeyntii xukuno lagu riday ilaa 13 ruux oo ka mid ahaa dadkii la soo eedeeyay qaarna la sii daayay halka kuwa kalena dacwadahooda dib loo dhigay.
DAAWO SAWIRADDA:-
Idale News Muqdisho