Dagaal u dhaxeeya ciidamo kawada tirsan Dawlada Somaliya ayaa maanta waxa uu ka dhacay Magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.
Iska horimaadka ayaa ka dambeeyey markii la isku afgaran waayey diyaarad shaqaalo Hay’adeed siday oo dooneysay inay kasoo dagtay garoonka diyaaradaha Garbahaareey ciidamo kala taabacsan Mas’uuliyin katirsan DF ay sidaa ku dagaalameen.
Dhanka kale, Gudoomiyaha Ururka haweenka Garbahaarey Canab Maxamed Xersi oo la hadashay Warbaahinta ayaa waxay sheegtay inay ciidamada dawlada rasaas xoogan is weydaarsadeen khasaarana aysan ogeyn.
Gudoomiye Canab ayaa sheegtay inay ciidamada dagaalamay ay diideen wax diyaarad ah inaysan kasoo dagi karin garoonka diyaaradaha garbahaareey.