Safiirka Soomaaliya u qaabilsan midowga Yurub oo ka hadalay xaalka Tiicey iyo Afweyne.

0
186

afweyneDanjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya wadanka Biljimka Dr Cali Fiqi oo booqasho ku jooga wadanaka Holland ayaa markii ugu horeysay waxaa uu ka hadlay xaalada Maxmaed Cabdullaahi Aadan Tiicey iyo Maxmaed Cabdi Afweyne oo dhawaan lagu xiray wadanka Biljimka waxana uu safiirka sheegay in xaalka labadaasi nin ay safaarada si dhow u la socoto.

Safiirka  ayaa waxaa uu sheegay in Ay Safaarada la socoto xaalka labada nin ee Tiicey iyo afweyne una xilsaartay Qunsulka -1aad ,waxaana uu intaasi ku daray in qunsulka uuu booqday labada nin sifiicana uu u la socdo xaaladahooda.

Mudane fiqi ayaa waxaa kaloo uu ka dhawaajiyey in Magalada Brussels ay ku suganyihiin ehelada labada nin ee Maxameed Tiicey iyo Afweyne mar kastana ay booqdaan ,iyadoo ehelka ay la socdaan  gar yaqaanno(lawyer) uu sheegay in ay difaacayaan labada nin .

Waxaa lagu wadaa 30-ka bishan in Maxkamad la soo taago Maxmaed C/laahi Adan iyo Maxmed Cabdi Afweyne oo hada ku xiaran xabsi ku yaala Magaaladda Brussels.

Dowladda Biljimka ayaa laga soo xigtay in falal burcad badeednimo oo horey looga af duubtay markay ay iyadu la hayd la xiriirto kiiska lagu haysto Af weyne, inkastoo uu ka tanaasulay falalkaas, waxaa jiray banana baxyo ay dhigeen dad ku dhaliilay Biljimka falkan xariga ah, waxa ayna ku andacoonayaan in uu Afweyne ku jiray imika howlo ganacsi.

Idale News Muqdisho