Qaramada Midoobey iyo dalka Mareykanka oo si buuxda u codsaday in Howlgalka AMISOM lagu soo biiriyo Ciidamo Fara badan oo Miateriga XDS ah

0
166

Ka dib dhacdadii West Gate ee dalka Kenya ka dhacdey, waxaa beesha caalamka gaar ahaan Mareykanka iyo qaramada Midoobey shaaca ka qaadeen in si looga adkaado Al-Shabaab loo baahan yahay Ciidamo fara badan oo Milateri ah.

“Ciidamadaan Milateriga ah ayaa suurtagelinaaya sidii dalka looga saari lahaa Al-Shabaab, islamarkaana looga xurayn lahaa goobaha yar ee ay ku dhuumaalaysanayaan, sida Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose” ayuu yiri Wakiilka gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya .

Wakiilka gaarka ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay lidi ku yihiin dhismaha nabada dalka Soomaaliya, waa sida uu hadalka u dhigay.

Nicholas Kay wuxuu sheegay in Al-Shabaab aysan ku xooganeyn Soomaaliya, waxii ka dambeeyay markii ay ka baxeen caasimada
Soomaaliya, balse waxa uu sheegay in loo baahan yahay ciidamo kale oo Miletari ah oo kula dagaalama deegaanada ay ku harsan yihiin.

nicholas

“Ciidamada AMISOM ayaa kala wareegay Al-Shabaab deegaano dhowr ah sanadihii 2011 iyo 2012, laakiin ciidamada Itoobiya ayaa bilaabayinay isaga baxaan dalka Soomaaliya waxaana ciidamada nabad ilaalinta ay ka fakarayaan sii wadida dadaalada howgalka” ayuu yiri |Nicholas Kay.

Dhinaca kale Nicholas Kay ayaa sheegay in Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ka doodi doonaan kordhinta tirada ciidamada AMISOM ee Soomaaliya bisha soo socota, wuxuuna sheegay in weerarkii Baraawe uusan wax faah faahin ah ka heynin, balse ay soo dhaweynayaan dadaalo kasta oo Al-Shabaab lagula dagaalamayo.

Idale News Online