Faalo: Waxay Aheyd Maalin Madow “Maalin Hooyoooyin badan oo Soomaaliyeed ay ooyeen qaarkoodna ay asaay saarteen!!!.”

0
223

Maalin tallaado ah waxay aheyd maalin aan sina uga goayn quluubta shacabka Soomaaliyeed , waa maalin aan waynay asxaab badan oo qaali ah, waa  maalin ay si aad ah u maroora dilaaceen arday badan oo Soomaaliyeed, waxay aheyd maalin si ar xan daro ah loogu gardarooday shacabka  Soomaaliyeed,maalin arday Soomaaliyeed gab lameen, waxay aheyd maalin Hooyoooyin badan oo Soomaaliyeed ay ooyeen qaarkoodna ay asaay saarteen.

Ma illaabi karo 4/10/2011 laba sano oo oo buuro ah ayaa kasooo wareegatay malintaas, xaqiiqdii maalintaasi magaalladda Muqdisho waxa ay u aheyd maalin mugdi ah (DISMAL DAY) maalintasi waxaa qof arxan laawe ah oo watay gaari wax yaabaha qarxa laga soo buuxiyay si bareer ah ulla beegsaday Dhismaha Hargaha & saamaha oo ku yaala Km4 kasoo horjeedka Xarunta CID ee magaalladda Muqdisho, waxaana ku dhintaymaalintaasi dad gaaraya (100) Boqol ruux dhaawaca intaasi ka badan, dadka ayaa u badnaa Arday Soomaaliyeed oo aad u da’yar kuwaasoo diyaar garoow ugu jiray galitaanka imtixaan loo balansaa oo ay turkiga ugu socdeen.

Maalintaasi waxaan ku jiray guddaha dhismahaasi Illaah mahadii kuma wax yeeloobin marka laga reebo dhaawac yar oo madaxa iga soo gaaray kaasoo ahaa Muraayddaha Bur Burkoodda.

Mar aan nafta lasoo cararay oo aan hoos usoo cararnay aniga iyo asxaab kale oo wada dhiigayay ayaan waxaan aragnay muuqaal ka badalan kii markii hore aan soo galayay, waardiyii iridka laga soo galayay  joogay oo 6 minute ka hor isoo baaray waliba aan ka tagay isagoo qoslayo arkay isagoo laba cad noqday, geed weyn oo lagu harsanayay oo dhulka yaalla, Ilmo aad u da’yar  oo holcayo, INNAALILLAAH WAINAALIEYHI RAAJICUUN  Markii aan arkay wax yaabo qof damiir lihi Ishiisu qaban Karin ayaan hoogay oo arga gaxay waxna waan kala garan waayay, markaas ayaan si xoog ah usoo cararay anoo dhex jiiraya bur burkii, waxaana arkayay dad Hurayo oo gacmaha kor u taagayo.

Markii aan dibadda hore usoo baxay qofkii ugu horeeyay ee aan aqoonsado waxa uu ahaa Allah u Raxmadee C/sallaan Sheekh Xasan XIIS oorabay inuu wareysi iga qaado lakin hadal waan kari waayay kadib anoo dhiig iga dayo waxaan nasiib u yeeshay inaan helo gaari sidii ayaa isbitaalka Madiina la iigu keenay, runtii waxaan ahaa qofkii ugu horeeyay ee dhaqaatiirtu ay caawiyaan, markii aan 5 daqiiqo joogay isbitaalka anoo dhaymo laigu wado oo muraaayadaha Dahgada iiga jajabay la iga saarayo ayaa waxaa la keenay dad aad u fara badan gubanayo, runtii dhaqaatiirtu aniga waa iska kee illoobeen maadaama aan ahaa mid fudud balse waxaa indhahooddu usii jeesteen dadkii xaalladoodda qatarta ahaa, gabar dhalin yaro ah oo dharka dhan laga dhigay oo sidii ukun diirka laga qaaday ah ayaan aad ugu naxay, waxaan maqli jiray “ FURUQ HADUU YIMAADO  WARAABOOW  WAA FARA KU LEEF” waxaa la iyiri wallaaloow iska bax wax ma qabtide.

Illaah ayaan ku mahdiyaa oo iga bad baadiyay waloow dad badan oo ajashoodda soo dhamaatay ku naf waayeen qaarkoodna dhaawac  halis ah ka qaadeen kuwa  kalena ay ku miir waayeen halka kuwa kalena iyagoo midabkoodda is badaly si Samir iyo dulqaad ah ku noolyihiin.

Ma qayaasi karo wixii meeshaasi ka dhacay maalintaasi saameynta ay igu yeellatay illaa hada hadii ay qalbigeyga kusoo dhacdo waan arga gaxaa, Illaah waxaan ka baryaa inuu dadkii ku naf waayay Janadda ugu  Abaal guddo Gardaradii loo geesstay.

Waxaa nasiib daro ah ineey sheegteen Xarakadda Alshaab qaraxaasi waliba iyagoo ku faraxsan,  sheegayna in ay Saraakiil ku laayeen & Waxa ay ugu yeerayn JAWAASIIS dowladda u shaqeeya.

hargaha

Ma aqaano kuwa sidaas wax u gala cadowtinimadda ay u qabaan umadda Soomaaliyeed waxaanse Illaah ka baryaa inay ogaadaan in ay wax xun sameynayaan oo aan dan u aheyn Adduun iyo aaqiraba, Ugu danbeyntii waxaan Alle (SW) Ka rajeynayaa in Sanad kan kiisa kale Xaallada Dalkeena oo wax weyn iska badalo, dowladdeena rasmiga ah aywax weyn ka badasho qalbiyada shacabka oo rajo dhigay, rajadii kusoo celiso, Madax weyne Hassan Sheikh waxaan  ka codsanayaa inuu siyaasad sax ah oo  oomaalinimo ku dhaqo Umadda Soomaaliyeed, Sida hada raaliga loogu yahay noogu muuyiyo wax la taaban karo Inshaa Allaah.
Asad Abukar Ali (Asad Dhayow)
Email asaddhayow@gmail.com