Xaalada magaalada mombaasa ayaa qasan maanta oo jimce ah ka dib markii habeenkii jimcaha lagu dilay 4-ruux oo uu ku jiro wadaad caan ka ahaa.
Culumo caan ah oo looga shakisanaa argagixiso oo xalay algu dilay Mambasa iyo dilkooda oo lagu eedeeyay booliiska la dagaalanka argagixisada Kenya
Wararka naga soo gaadhay magaalada mambasa ee dalka Kenya ayaa sheegaya in xalay halkaasi lagu dilay qaar ka mid ah culumada Mambasa .
Sheikh Ibrahim Rogo iyo sadax nin oo kale ayaa waxa dilay rag aan heebtooda la aqoon .
Mr Rogo iyo sadax shaqsi ee kale ee la socday aya ka soo baxay masaajidka Musa halkaasi oo ay muxaadaro ka soo jeediyeen .
Gaadhigii ay al socdeen culumadani ayaa waxa risaas ooda kaga qaaday rag hubaysan halkaasi oo 4 ay ku dhinteen .
dhalinyara ka cadheysan dilka wadaadka ayaa dab qabsiiyay kaniisad taas oo xaalada magaalada
Raga kale ee lala dilay sh Ibraahin Rogo ayaa waxa ay kala yihiin Gadaffi Mohammed , Issa Abdalla oo ah seediga Qadaafi , Omar Abu Rumeisa iyo Salim Aboud oo isagu ka badbaaday weerarkani .
Salim Aboud oo ah shaqsiga kali ah ee ka bad baaday weeerarkaasi Mambasa ayaa sheegay in
in ay ku see jeedeen aqaladooda. waxaanu la kulanay in rasaas xooga nalagu furay taas oo bartilmaameed sanayeen wadaadka ilaa uugaadhigii aanu saareen wadada uu ka baxay
Sheikh Abubakar Sheriff oo lagu naaneeso Makaburi oo soo gaadhay goobta lagu laayay culumadaasi ayaa waxa uu ku eedeeyay dilkooda Booliiska la dagaalanak argagixisada .
“Booliiska la dagaalanka argagixisada ayaa halkan joogay maxay u carareen .wax aanu sameynay magaraneyno ee naloolaynayo cidna maanaan dilin waana bartilmaameed sanayaa taas oo aanu u aragno slaamnimada aanu nahay wax aanu galab sanay majirto ayuu usheegay warbaahinta sheikh Abubakar oo hore loogu eedeeyay in uu gacan saar la leeyahay xararkada Al-shabaab ee soomaaliya ka dagaalanta.
Sheikh Ibrahim Rogo ayaa aha nin ay si aad ah isugu dhaweeyeen wadadkii horay loo dilay ee Cabuud Rogo .
Sheikh Ibrahim Rogo ayaa waxa ay ku tuhunsanaayeen ciidamada amaanak ee Kenya in uu lug ku leeyahay howlo argagixiso.
Policeka gobolka xeebta ayaa beeniyay in ay lug lee yihin dilka afar qof oo ka dhacay xalay Mombasa oo uu ku jiro sheikh caan ah. Madaxa police ee Countiga Mombasa Robert Kitui ayaa oogu baaqay cid walba oo ay heesa macluumaad ku saabsan dilka in ay Police ka cawiyaan baaritaanka.
Madaxa Police ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada dheerad ah lagu daadiyay magaalada kadib warar sheegaya in ay suurta gal tahay in dibad baxyo ay ka dhacaan magaalada Mombasa. Sheikhan dilka loo geestay ayaa kusii jeeday dagaanka Mutoba isaga 3 kale oo la socotay.
Idale News Online