Ardeyda Jaamacadaha Masar iyo Ururada Bulshada Rayidka ah oo kali talisnimo ku tilmaamey go’aankii Ikhwaanul Muslimiinka looga mamnuucey siyaasada dalka

0
193

Maxkamada magaalada Qaahira ayaa shalay go’aamisay in si rasmi ah loo mamnuucay ururka Ikhwaan Muslimiinka iyo dhamaan ururada kale ee hoostaga, sida ay shaacisay warbaahinta dowlada.

Go’aanka Maxkamada ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowlada ay la wareegayso dhamaan Dhaqaalaha iyo Hantida Maguurtada ah ee ururkaasi uu leeyahay, iyadoo xayiraada sidoo kale la dul dhigay dhamaan ururada kala duwan ee Ikhwaanka hoostaga oo uu ku jiro xisbiga Xoriyada iyo Cadaalada ee dhanka siyaasada u qaabilsanaa ururka Ikhwaanka.

Ikhwaan Muslimiinka ayaa ku tilmaamay go’aankan mid ah kali-talisnimo.

MuslimBrotherHoodEgypt

Balse Maxkamada ayaa sheegtay in ururka Ikhwaanka uu heysto 10 maalmood oo ay abiil uga qaataan go’aanka maxkamada Qaahira dul dhigtay.

Go’aankan ayaa ah kii ugu adkaa oo kasoo baxa Dowlada Masar oo lagu ciqaabayo ururka Ikhwaan muslimiinka oo saameyn weyn kuleh dalkaasi.

Ururka Ikhwaanka ayaa intuu jiray 85tii sano ee lasoo dhaafay inta badan ka mamnuuc ahaa dalka Masar, balse wuxuu ku guuleystay ururkaasi inuu saameyn weyn ku yeesho shacabka reer Masar, wuxuuna ururkaasi wax badan kasoo qabtay arrimaha bulshada isagoo adeegsanaya urur kala duwan oo Samafal ah.

Xisbiga Ikhwaanka ayaa ku guuleystay doorashadii ugu horeysay ee dalkaasi Masar ka dhacday markii x ilka laga tuuray Xusni Mubaarik.