Dhageyso: Faroole oo wafdiga Madaxweyne Xasan ku eedeeyey faragalinta lagu sameeyey baahintii qudbadiisa markii waqtigiisa la gaarey

0
182

Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/raxmaan Faroole ayaa ku tilmaamay arin wanaagsan oo uu soo dhaweynayo baaq ka soo baxay wasaarada Arimaah Dibadda dalka Mareykanka kaas oo ku aadanaa in madaxweynaha Soomaaliya uu heshiis la galo masuuliyiinta maamul goboleedyada dalka.

Dhageyso Faroole oo eedeynaaya Madaxweyne Xasan iyo kooxdii u raacey shirka Brussels: [audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2013/09/FarooleBrussels.mp3]farole&Madobe

Faroole oo la hadlay idaacada BBC-da ayaa sheegay in dowlada mareykanka ay la shaqeyso Soomaaliya iyo maamul goboleedyadaba siiba maamulkiisa uuna soo dhaweynayo hadalka ka soo yeeray aanu wax xun u arkin ee uu wax wanaagsan u arko.

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay arimaha khilaafka ka dhexeeya isaga iyo dowlada federaalka Soomaaliya waxaanu ku celiyay in xukuumadiisa aanay xiriirkii ka jaranin dowlada federaalka balse ay wada shaqeyntii kala noqotay oo keliya.
Waxa uu sheegay Madaxweynuhu in uu jiro talaabooyin aan la isugu soo dhawaaneynin oo ay ku kacayaan madaxda sare ee dalka isagoona soo qaatay dhacdo dhacday intii uu socday shirkii ka dhacay oo markii la soo gaarey xiligii uu qudbadiisa jeedin lahaa ay kooxda madaxweynaha xasan la socotey ay ku amreen saxaafada Somalia oo kuwa internationalka ay ka sii qaadanayeen in loo diidey iney baahiyaan.

Waxa uu sheegay in madaxda Federaalka ahi ay fara gelin ku sameeyeen baahinta shirkii Brussels, islamarkaana ay xubno ka tirsan kuwii la socday Madaxweynaha Soomaaliya ay qash qashaad ku sameeyeen tabintii hadalka uu ka jeediyay shirkaasi.

 

Idale News ONline