DEG DEG. Kulan xasaasi ah oo lagu wado inuu gowr dhow dhex maro guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia iyo Wafdiga Jubba kaga sugan Magaalladda Muqdisho.

0
193

uii8u

Afhayeenka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu maanta kulan la yeesho wafdiga maamulka KMG ah ee Jubba ee ku sugan magaalada Muqdisho, sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka maamulka Jubba, Cabdinaasir Seeraar Maax.

Seeraar ayaa sheegay inay afhayeenka baarlamaanka ka dhageysan doonaan talooyin iyo aragtiyo ku saabsan sidii sal adag loogu dhigi lahaa maamulka KMG ah ee Jubba.

Afhayeenka wuxuu sheegay in sidoo kale ay ballaarin doonaan kulamada wada-tashiga ah, isagoo intaas raaciyay inay la kulmeen inta badan odayaasha iyo siyaasiyiinta beelaha Jubbooyinka, iyadoo dhinacyada ay isku af-garteen in dib loogu laabto deegaanka oo si wada-jir ah loo dhiso maamul goboleed ka turjumaya dadka degan gobolladaas.

Wuxuu kaloo sheegay inay maanta la kulmi doonaan xubnaha beesha caalamka ee xafiisyada ku leh magaalada Muqdisho.

Wafdi ka socda maamulka KMG ah ee Jubba oo uu hoggaaminayo hoggaamiyaha maamulkaas, Axmed Madoobe ayaa Sabtidii la soo dhaafay gaaray magaalada Muqdisho sii loo si ambaqaado heshiiskii dowladda federaalka iyo maamulkiisa ku dhex maray dalka Itoobiya dabayaaqadii August.

Wafdiga ayaa muddadii uu ku sugnaa Muqdisho wuxuu kulamo la qaatay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, xubno ka tirsan golaha wasiirrada xukuumadda federaalka, odayaasha iyo siyaasiyiinta gobollada Jubbooyinka.

Idale News Muqdisho