Colaado Dagaal sababay oo ka taagan Deegaano ka mid ah mudug

0
194

bbbbbb

Sarkaal ka tirsan taliska Boliiska Gobolka Mudug ayaa ka hadlay colaad beeleedka ka jira miyiga gaalkacyo kuwaasoo u dhexeeya beelo ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.

Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Mudug Jaamac Maxamed axmed ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalada iyo dilalka qorsheysan ee mararka qaar ka dhaca duleedka gaalkacyo ay yihiin kuwo aan loo baahneyn.

Taliyaha wuxuu tilmaamay in dilalkaasi ka soo horjeedaan shareecada Islaamka isagoo ugu baaqay dhinacyada maleeshiyo beeleedada ah inay joojiyaan colaada nuucaasi ah.

Mar uu ka hadlayay ka maamul ahaan sida ay u saameyn karto xiisadahaasi ayuu gabi ahaanba meesha ka saaray in colaadahaasi ay wax saameyn ah ku leeyihiin labada Maamul ee Puntland iyo Galmudug.

“siyaasado ka baxsan puntland iyo Galmudug ayaa ayaa ka danbeya dilalka soo noq noqday wax shaqo ahna kuma laha labada maamul”ayuu yiri Taliyaha.

Idale News Muqdisho