WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA OO FAAH-FAAHIYAY SAFARKII MADAXWEYNAHA EE MARKA

0
191

wasiirka-arimaha-gudaha

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa faah-faahin ka bixiyay safarkii Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay Degmada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha hoose.

C/kariin Xuseen Guuleed oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada muqdisho ayaa sheegay in ujeedada safarka Madaxweynaha ay aheyd booqasho uu ku tagay Gobalka Shabeelaha hoose.Wuxuu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu dhageestay baahiyaha kala duwan ee shacabka iyo Odayaasha Gobalka Shabeelaha hoose,kadib kulamo uu la qaatay.

Madaxweynaha ayaa shacabka Marka usheegay qorshayaasha Dowladda Soomaaliya ay damacsan tahay iyo arimaha ku aadan dhisida maamulada Gobalada dalka Soomaaliya min heer Gobal ilaa heer degmo.

Wasiirka arimaha gudaha ayaa ka gaabsaday in wariyeyaasha ay su’aalo weydiiyaan,maadaama Shabaab shalay ay sheegteen inay weerar ku qaadeen wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa intii uu marka ku sugnaa kulamo gooni gooni ah la qaatay Maamulka Gobalka Shabeelaha hoose kan Degmada iyo Odayaasha Gobalkaasi kalana hadlay arimo ay ubadan tahay dib uheshiisiinta,maadaama Gobalka horay ay ugu wada dagaalameen labo beel oo walaalo ah.

Idale News Muqdisho