Wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sharci darro ku tilmaamay dhisidda Rugta Ganacsiga ee G/banaadir oo shalay lagaga dhawaaqay magaalada Muqdisho.
Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamuud Axmed Xasan oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayna goob joog ka ahaayeen Wasiir kuxigeenka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Agaasime waaxyaha Wasaaraddaasi ayaa shaaca ka qaaday in shirkii shalay lagu qabtay Muqdisho ee lagu dhisay Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir aanu waafaqsaneyn sharuucda Wasaaradda Ganacsiga u degsan, waxaana uu intaa ku daray in Wasaaraddu aysan aqoonsaneyn Rugtaasi.
Mudane Maxamuud Axmed Xasan ayaa hoosta ka xariiqay in Wasaaraddu ay waddo shir lagu dhisayo Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir, kaasi oo uu sheegay in ay socoto qaban qaabadiisa, isagoo intaa raaciyay in shirkaasi uu u faranyahay dhamaan ganacsatada Gobolka Banaadir ku dhaqan.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Axmed Xasan ayaa shirkiisa jaraa’id sidoo kale ku sheegay in ay jirto baaritaan lagu hayo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee KMG ahayd oo uu tilmamaay in Wasaaraddu ay baareyso sharci ahaanshiyaha Rugtaasi.
“Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee KMG ahayd jiritaankeeda baaritaan sharci ah ayaa ku socda, Wasaaradduna go’aan ayay ka soo saari doontaa, inta ka horeysa baaritaanka sharciga ah ee ku socda Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ma jirto dibad iyo gudahaba cid la macaamili karto inta ay socoto baaritaanka” ayuu Wasiirku hadalkiisa ku soo koobay.
Idale News Muqdisho