Isbaheysi taageera Madaxweynihii xukunka laga tuuray Maxamed Mursi ayaa maanta ku baaqay isu soo baxyo ballaaran, xilli maanta ay ku beegan tahay labo bilood kadib markii Milateriga Masar uu afgambiyay.
Isbaheysiga difaaca Hey’adaha sharciga ayaa banaan baxyo uu ugu magac daray qoliyihii Afgambiga ee Argagixisada ayaa isugu yeeray dadweynaha reer Masar inay isugu soo baxaan dibad baxyo ay ku muujinayaan codkooda taageerada Madaxweynaha la afgambiyay Maxamed Mursi.
Dibad bax lagu taageerayay Maxamed Mursi ayaa ka dhacay magaalada Al-Iskandariya oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Masar, iyadoo dadweynaha isugu soo baxay ay ku codsadeen in xukunka lagu soo celiyo.
Milateriga Masar ayaa bishii hore kala eryay taageerayaasha Maxamed Mursi oo saldhigyo ka sameystay fagaarayaal ku yaala magaalada Qaahira, iyadoo isku dhacyo ka dhashay ay ku dhinteen in ka badan kun qof.
Madaxda Ururka Ikhawaanul Muslimiin oo taageera Madaxweynihii xukunka laga tuuray ayaa laga dhigay kuwo la dilay iyo mid la xiray, iyadoo ay socdaan qorshe la doonayo in ururkan lagu mamnuuco.
Ururka Ikhawaanul Muslimiin ayaa la aas aasay sanadkii 1928, waana ururka ugu faca weyn ee dalka Masar ka jira, isla markaana heysta taageerada ugu ballaaran ee shacbiyeed.
3-July ayay aheyd markii Milateriga awooda badan ee Masar ay xukunka ka rideen Madaxweynihii u horeeyay ee si dimoqraadi loo soo doortay, Maxamed Mursi, kaasoo haatan loo heysto eedeymo la xiriira inuu kiciyay dadka, isla markaana wajahaya Maxkamad.
Idale News Muqdisho