Gudoomiyaha gobalka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa waxaa uu weerar afka ah uu ku qaaday Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ingiriiska asagoona ku dhsheegay kuwa aan waligood shaqeysan oo ku nool lacagta ceyrta ah islamarkaana aan gurigooda ka adkeyn
–
Ugu dambeyntiina iyadoo Duqa magaalada Muqdisho Tarsan uu eedeyntaas u soo jeediyey siyaasiyiinta Soomaalida ee ku nool dalka Ingiriiska ayaa waxaa sidoo kale uu ka hadlay telefishinada Soomaaliyeed ee ku yaala dalka Ingiriiska asagoona ku sheegay inay yihiin kuwo maalaayacni ah islamarkaana aan wax aqoon iyo xirfad ah aan u lahayn shaqadooda, wariyayaasha ka howl gala telefishinadaas ayuu gudoomiyihu ku sheegay kuwa aan xataa aqoon u lahyn habka wax loo wareysto asagoona kula taliyey telefishinadaas Soomaaliyeed inay ku daydaan oo ay daawadaan telefishinka Aljaziira oo ayna wax ka kororsadaan telefishinkaas gaar ahaana ay ka bartaan habka loo qaado wareysiyada