Ciidamada amaanka dalka Masar ayaa maanta waxa ay si bareer ah u dilay dibad baxayaal diidan afgenbiga lagu sameeyay madaxweynihii sida dimuquraadiga ah loo doortay ee dalkaasi waxaana wararka hordhaca ay sheegayaan in dad 100 qof kor u dhaafaya ay meleterigu ku dileen fagaaraha uu ka socday Raabaca Al calawi.
Xasuuqa maanta ayaa waxa uu dhacay kadib markii wasaarada arimaha gudaha ee dowlada meleterigu taageero ay amar ku bixisay in dibad baxayaasha Mursi taageeraya laga wado fagaarayaasha si qasab ah.
Meydadka dibadbaxayaasha lalaayay ayaa waxaa leesugu keenay hal meel iyada oo aad ugu kpr ooyayaan eheladooda, inkasta oo akhwaanku ay ku dhaarteen in ay sii wadayaan dibadbaxyada