Daawo Sawiradii laga soo qaadey diyaaradii ku burburtey airport Mogadishu

0
252

Ciidamada AMISOM ee qeybta dab damiska ayaa ku guuleystay inay baqtiyaan dab qabsaday diyaarad saakay ku bur burtay garoonka diyaaradaha Muqdisho, taasoo waday hub.

Diyaaradan oo laga lahaa dalka Itoobiya ayaa si dhab ah loo ogeyn halka saanada milateri u waday, hase ahaatee mar kaliya la arkay, iyadoo garoonka ka soo degeysay, dabadeedna lugaha u bixi waayay oo dab qabsaday.

Diyaarada ayaa dhowr jeer qarxeysay, waxaana ugu dambeyn is qabsaday dab xoog leh iyo uuro cirka isku shareeray, kaasoo qariyay garoonka diyaaradaha aadan Aadan Cadde.

Waxaa dib u dhac uu ku yimid howlihii duulimaad ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana ku xayiran diyaarado saaka ka soo degay garoonka diyaaradaha.

Sidoo kale waxaa baaqday diyaarado saaka ka imaan lahaa dalalka Kenya iyo Uganda oo qaadi lahaa rakaab.

Inta la og yahay afar ruux ayaa ku dhimatay oo labo ay ahaayeen duuliyeyaasha diyaarada, labo engineer, waxaana ka bad baaday labo kale oo markii diyaarada ay holac qabsaday ka boodeen.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Itoobiya, sidoo kale AMISOM ayaan iyana si dhameystiran uga hadlin, hase yeeshee war ay ku soo qortay barteeda Twitter-ka ayay kaga tacsiyadeysay shilkan diyaaradan.

La soco wixii ku soo kordha.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Idale News Online Mogadishu, Somalia