Afhayeenka Beesha Maxamud Hiraab (Duduble) Farhan Ali Mahamud ayaa Maanta Shir-jaraa,id ku qabtay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotelka Sahafi international wuxuuna ku faah-faahiyey Arimihii ugu danbeyey ee dalka kadhacay,Wuxuuna ku soo qaatay Kuwa ugu muhiimsanaa sida:-
Nabadgelyada,Arimaha siyaasada, iyo weliba Dhinaca Muranada kajira Dhismaha Maamul-Goboledyada.
Afhayeenka ayaa dhaliil dusha kasaaray Hay,adaha Nabadgelyada Wuxuuna kutilmaamay inaysan waxba kaqaban dhibaatadii Nabadgelyo xumo ee dalaka kajirtay wuxuuna tilmaamay Inaysan gudan masuuliyadii ay lahaayeen.
Farhan ayaa tilmaamay in Beesha duduble ay kalsoonidii kala noqotay Dawladda Federalka ah kadib markii ay Beeshu u aragtay inay ku dulmantahay Saami qayb-siga Maamul ee ay sameeyan Madaxda dawladda Soomaliya ayna Gacan bidixeeyan markasta Beeshan cidii hogaanka qabataahi. Wuxuuna sheegay inaysan jirin hadalada sheegaya in Beeshu saami qaybsigeeda la leedahay Beel kale.
Dhanka kale wuxuu xusay in dawladdu magacowday Safiiro, Madax ciidan & weliba saraakiil rayid ah, balse ay Beeshaani ka qadsan tahay Derejooyinkaas oo dhan.
Dhinaca kale wuxuu siweyn uga hadlay Maamulka loo dhisayo Gobolada dhexe ee dalka soomaliya oo Qabanqaabadiisu Kasocoto magaalada Muqdisho, wuxuuna arintaasi kutilmamay mid qabyo ah Beeshuna aysan wax-lug ah kulahayn hadii ay jiraan shaqsiyaad Gurdan raac ahna waxay noqonayaan kuwo aan cidna metelin.
Wuxuuna arimaha maamul loosameyo Gobolada dhexe kutilmaamay inay xaq-uleeyihiin Odayaasha Dhaqanka Beelaha degaanadaasi degan kadibna loosoo gudbiyo Siyaasiyiinta iyo Maamulada hada jira.sidoo kale wuxuu afhayeenku xusay inay dawladdu faraha kala baxdo Dhismaha Maamul goboledyada ayna ixtiraamto shacbiga soomaliyed ayna kucaawiso wixii farsamo ah.
Afhayeenka ayaa Hadalkiisa kusoo gebagebeyey in beesha duduble ay kaquusatay Maamulka DFS oo uu Madaxda kayahay Hassan Sheekh Maxamud.
Idale News Online