Odayaal dhaqameedyada beelaha Direed ayaa lagu soo celiyey xubno ay ka mid yihiin, Prof C/raxmaan Ibbi, C/laahi Sheekh Ismail oo hore u soo noqdey Wasiirkii Arrimaha Dibada ee Dowladii Cabdullahi Yuusuf, iyo Wasiirka Caafimaadka Dr. C/Casiis Sheekh Yuusuf oo ah Wasiirka Caafimaadka.
Dhamaan xubnahaan la soo celiyey ayaa lagu eedeeyey in ay ka mid ahaayeen hogaamiye kooxeedkii dalka ka jirey. Wareysi ay Laanta Af Somaliga ee VOA la yeelatey dhamaan 3daas xubnood iyo odayaashooda ayey sheegeen iney aqoonsaneyn guddiga Farsamada ee Soo Xulista Barlamaanka isla markaasna yihiin awood aysan laheyn ku shaqeynaaya oo Nairobi looga yeeriyo go’aanada ay qaataan.
Xubnahaan la soo celiyey ee beesha direed ayaa ah kuwii ugu horeeyey oo saxaafadda ka hadley halka kuwa badan oo isku CASE ahaayeen aysan wax war ah siin, guddiga aan waxba ka sheegin.
Waxaa jirey xubno aad u badan oo beelaha kale ka tirsan oo guddiga farsamadu soo celiyeen kuwaas oo ay ka mid yihiin, Maxamed Qanyare Afrax, Xaaraan Ku naag, Geesacade, Arafaale, Maxamed Ibrahim Xaabsade, Sheekh Adam Madobe, Maxamed Farah Jimcaale, Xaaf, kuwa kale oo aad u tiro badan oo lagu sheegey iney ka mid ahaayeen warlords Somalia iyo kuwa kale oo la sheegey in ay ka gudbi waayeen imtixaankii heerka aqooneed ee la soo hordhigey.
Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho
Siyad Macalin Axmed siyad_macalin@hotmail.com