Ra’iisul Wasaare Abdiweli Ali Gaas oo u jawaabey Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed

0
251

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya C/weli Maxamed Cali ayaa ka jawaabay hadal uu shalay qalabka warbaahinta ka sii daayay Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, kaasi oo ahaa in xukuumadda Soomaaliya aysan lahayn wax saameyn ah, isla markaana aysan wax qaraar ah soo saari karin maadaama uu madaxweynenimo isu soo sharraxay Ra’iisal Wasaaraha.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya C/weli oo wareysi siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in Xukuumadda uu Ra’iisal wasaaraha ka yahay ay jireyso illaa iyo inta laga soo dhisayo xukuumad kale oo bedesha.

“Xukuumaddu waa jireysaa, illaa inta laga soo dhisayo xukuumad kale oo maamulka kala wareegta”ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo intaas ku daray in aysan jirin meel ay Axdiga KMG ah kaga qoran tahay in aysan jireynin Xukuumad kaddib marka uu ra’iisal wasaaraheeda isa sharraxo.

Waxaa kale oo uu ka jawaabay Ra’iisal Wasaaraha arrin kale oo uu madaxweynaha ka hadlay, taasi oo ku saabsaneyd dikreeto uu madaxweynaha degmooyin cusub ku magacaabay, wuxuuna sheegay in arrintaas ay ahayd mid sharci darro ah, wuxuuna carrabka ku adkeeyay Ra’iisal wasaaruhu  in ay ahayd in magacaabidda degmooyinkaas ay soo marto nidaamka dowliga ah, golaha wasiirrada la horkeeno, kaddibna madaxweynaha loo gudbiyo.

“Arrinta magacaabidda degmooyinka waxay ka gole wasiirro ahaan nagu beertay welwel tiro badan, waxayna u baahan tahay in degmo la magacaabo in golaha wasiirrada la sii marsiiyo, laga doodo kaddib madaxweynaha loo gudbiyo, laakin in la iska magacaabo degmooyin waxaan u arkaa kheyru-sharci”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Cabdi Weli oo sheegay in xilliga Dowladda TFG-da uu ku egyahay 20-ka Agoosto.

Waxaa wax laga weydiiyay soo xulista xubnaha Baarlamaanka, wuxuuna sheegay in awoodda arrintaas ay leeyihiin Odayaasha Soomaaliyeed, guddiga farsamadana ay kaliya howshoodu tahay in ay eegaan in qofka la soo magacaabay in uu buuxiyay shuruudihii iyo in kale. Wuxuu talo ku bixiyay Ra’iisal Wasaaruhu in ay guddigaas loo madax banneeyo howlihiisa.

Waxaa la weydiiyay sida uu u arko warbixintii madaxda dowladda lagu eedeeyay eek u saabsaneyd in ay musuq maasuq ku kaceen, wuxuuna isku difaacay ra’iisal wasaaraha in aysan jirin wax musuq-maasuq ah oo uu shaqo ku leeyahay.

Su’aal kale oo la weydiiyay Ra’iisal Wasaaraha ayaa ahayd in hadalkiisan iyo hadalkii shalay ee madaxweynaha laga dareemayo in uu jiro khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha iyo isaga, wuxuuna ku gaabsaday in uu nidaamka dowliga ah sidaas yahay, wax intaas dhaafsiisanna aysan jirin.

Laga soo billaabo dowladdii TNG-da ee uu madaxweynaha ka ahaa C/qaasim Salaad Xasan illaa dowladdan TFG-da  ee waqtigeedu sii dhammaanayo waxaa caado noqday in marka laga gaaro xilliga kala guurka ah ee dowlad kasta ay isku dhacaan madaxweyanha iyo ra’iisal wasaaraha dowladda markaas jirta, iyadoo dhinac kasta oo ka mid ah dhinacyada is-hayana uu midba kan kale ku eedeynayo in uu sammeeyay tallaabo sharci darro ah.

Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho