Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ee Dowladda C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii), ayaa wuxuu dhaawac dhexe ka soo gaaray weerar, ay Shabaabku ku ekeeyeen Deegaanka Shalambood ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Xoogaga Shabaab ayaa waxay weerar saf ballaaran leh ay ku qaadeen Deegaanka Shalambood, oo dhaca duleedka Magaalada Marka, iyadoo weerarkaasi uu dhaawac ka soo gaaray Gudoomiyaha, xilli uu ku sugnaa.
Gudoomiyaha ayaa wuxuu ka dhaawacmay gacanta midigta iyo lugta bidix, waxaana dhaawaciisa loo qaaday Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ee Magaalada Marka, halkaasoo wax looga qabanaayo dhaawaca soo gaaray.
C/qaadir Maxamed Nuur ayaa wuxuu qiray jiritaanka dhaawaca soo gaaray, isagoo xusay in uu dhaawaca ka soo gaaray lugta iyo gacanta.
Sidoo kale wuxuu qirtay in uu ku dhaawacmay weerar xoogan, oo ay Ciidamada Shabaab ku qaadeen Deegaanka Shalambood, balse muusan kala cadeyn in weerarkaan uu xalay dhacay iyo in kale.
Laakiin hal habeen kahor weerar xoogan oo ay Shabaabku ku qaadeen Deegaanka Shalambood, ayaa waxay ku dileen tiro dhowr ah oo ka tirsan Ciidamada u daacada ah C/qaadir Siidii.