Xubnihii lagu bedeli lahaa Max’ed Qanyare & Xasan Macalin oo isqab-qabsi Beesha Murarsade dhexdeeda abuurey

0
269

Markii ay soo baxdey in dib loo celiyey tiro aad u badan oo Xildhibaano ah, ayaa waxay fursad iyo rajo gelisey xildhibaanada laga tagey oo mar kale olole u galey iney  ka mid noqdaan barlamaanka cusub, hase yeeshee taasi ma dhicin oo waxaa soo if-baxey isqabqabsi hor leh oo dhex aloosan xildhibaanada la soo celiyey oo iyagu doonaya in bedelka qofka la soo celiyey la yimaadeen halka jufooyinka kale ee laga tagey ay doonayaan in fursad la siiyo jufooyinka iyo shaqsiyaad kale ee loolanka ku jirta ee beesha. 

Gudigga farsamada soo xulista xildhibaanada Baarlamanka Somalia ayaa maalmo ka hor dib u celiyey ku dhowaad 50 xildhibaan oo ay horey ugu gudbiyeen odayaasha beelaha ee soo xulaya xildhibaanada cusub ee baarlamanka ka dib markii ay soo buuxin waayeen shuruudihii looga baahnaa.

Qaar ka mid ah xubnaha la soo celiyey ayaa la sheegay in lagu eedeeyey hogaamiye kooxeednimo, qaar kale waxaa la sheegay in shahaadooyinkooda waxbarasho laga shakiyey, halka qaar kalena la sheegay in arimo kala duwan lagu ciladeeyey.

Sida ilo xog ogaal ah ay sheegayaan xubnaha la soo celiyey ayaa waxay ka koobnaayeen beelo kala duwan oo Soomaaliyed, waxaana ka mid ahaa kuwa la soo celiyey labo ka mid ah xubnihii beesha Murusade oo kala ah Maxamed Qanyare Afrax oo lagu eedeeyey hogaamiye kooxeed hore, iyo Xasan Macalin oo isna la sheegay in lagu ciladeeyey guruubka Aalla Shiikh inuu ka tirsan yahay.

Guddiga farsamada soo xulista xildhibaanada cusub oo markii hore qabtay liisaska xubnahan ayaa markii dambe dib ugu celiyey beelihii soo gudbiyey ka dib markii sida la sheegay uu culeys kaga yimid xafiiska QM ee Somalia, waxayna ka codsadeen beelaha iney keenaan xubno kale oo buuxin shuruudaha xildhibaanada cusub.

Arintaas ayaa waxay keentay in qaar ka mid ah beelaha ay dib ugu noqdaan buuxinta boosaska la soo celiyey halka qaar kalena ay ka biyo diideen iney bedeleen xubnaha lagu soo celiyey, waxaana la sheegay in odayaasha beesha Abakar oo ka mid ah beelaha Murusade ay bilaabeen iney bedelaan Xasan Macalin oo ka mid ah xubnaha la soo celiyey.

Warar ku dhow dhow odayaasha soo xulaya xildhibaanada ayaa sheegaya in xubintaas ay loolan adag ugu jiraan labo xubnood oo ka soo jeeda beesha Abakar oo kala Ibraahim Cumar Mahadalle (Ibraahim dheere) oo ka yimid qurbaha iyo C/qaadir Maxamed Xuseen (Jaahweyn) oo ah wasiirka warfaafinta xukuumada KMG ah ee xiligeedu uu sii dhacayo, iyadoo la sheegay in beelaha kalena uu ka dhex jiro loolan kaasoo kale ah oo ay ku jiraan rag doonaya iney ka faa’ideystaan boosaska ragga la soo celiyey.

Beesha Abakar ayaa la sheegay iney ku kula qeybsameen xubintaas la soo celiyey cidii la sii lahaa, iyadoo odayaasha Jufada Saciid Abakar ay ku doodayaan in xubintaas loo magacaabo Ibraahim dheere oo iyaga ka tirsan maadaama Jufada Codweyn Abakar ay heleen mid ka mid ah labada xubnood ee beesha Abakar guud ahaan ku soo aaday, taasoo la siiyey Ciise weheliye Maalin, waxaana odayaashu beesha Saciid Abakar ay intaa ku dareen in C/qaadir Jaahweyn uu ka dhashay Jufada Codweyne Abakar oo horey u heshay hal xubin, haddii xubinta isaga loo magacaabana ay noqoneyso cadaalad daro la mid ah in Jufo ay hesho labo xubnood Jufo la simana aysan wax helin.

 Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho

siyad Macalin Axmed siyad_macalin@hotmail.com