Sheikh Sharif “Golaha Wasiirada Ra’iisul Wasaare Abdiweli diidmo ama wax qaraar ah kama soo saari karaan go’aamadeyda”

0
274

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maanta Muqdisho ku noqday ayaa sheegay in golaha wasiiradda ee xukuumadda Somalia aysan shaqo ku  lahayn wareegto uu dhawaan soo saaray oo uu degmooyin ku magacaabay, taasi oo golaha wasiiraddu ay sharci-darro ku tilmaameen.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in mar haddii Ra’iisul-wasaare C/wali Gaas uu ka mid noqday musharixiinta u taagan tartanka madaxtinimada ay xukuumaddiisu  wax qaraar ah soo saarin karin, sidoo kalena aysan wax saameyn yeelanayn. Dad badan ayaa is weydiinaaya sharci ahaanshaha madaxweynaha qudhiisa haddii uusan aqoon saneyn  ra’iisul wasaarahiisa, labadooduna yihiin musharaxiin u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya

Madaxweyne Shariif Sheekh dhanka kale wuxuu rajo ka muujiyay in 20-ka Agoosto ka hor ay diyaar noqdaan xildhibaanada Baarlamaanka si loo qabto doorashada

Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho

Siyad Macalin Axmed siyad_macalin@hotmail.com