Taliye Cusub oo loo magaacabey Dugsiga Sare ee Booliiska Xamar “Scuola Polizia”

0
246

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal C/xakiim Daahir oo lagu naaneeso”Saacid” ayaa Isbedel ku sameeyey hogaanada Taliska Ciidanka Booliiska iyo Dugsiga Sare ee Booliiska (Iskoola Boliisiya) ee magaalada Muqdisho.

Taliyihii hore ee Dugsiga Sare ee Booliiska (Akamiyada Ciidamada Booliiska ee Jeneraal Kaahiye) Sareeye Guud Dhaga Caleen ayaa xilkii laga qaadey iyadoo xilkaasi loo magacaabey Generaal kale oo aan weli magaciisa la shaacin.  Jeneraal Dhagacaleen ayaa loo magacaabey inuu noqdo Taliyaha hogaanka Kormeerka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

taliskaCiidankaBoliska

Jeneraal Cabdullahi Xasan Bariise Taliyihii Hogaanka Baarista ee Ciidamada Booliska Soomaaliyeed (CID) ayaa xilkaasi laga qaaday, waxaana loo Magacaabay Taliyaha Hogaanka Saadka ee Ciidamada Dowlada Soomaaliyeed.

Gen. Shariif Sheekhuna Maye, Taliyihii hore ee Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa loo Magacaabay Taliyaha Hogaanka Baarista ee CID-da, waxaana xilkaasi muddo ku dhaw 3-sano soo haayay Gen. Bariise.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen.Cabdixakiin Daahir Saacid ayaa tilaabadaan ku tilmaamay in ay tahay mid wax wayn ka tari doonto dadaalada Ciidamada Booliiska ka wadaan Soomaaliya, waxa uuna sheegay in Mas’uuliyiinta la magacaabay ay yihiin kuwo xilalka loo Magacaabay gudan kara.

Idale News Online, Mogadishu